Maxaabiista Somaliland ee kuxiran Laascaanood oo lasiidayn doono

89

Wararka laga helaayo Xarunta Maamulka Waqooyi Bari Somalia ee Laas-caanood ayaa sheegaya in maanta Maamulkaasi sii deynayaan Maxaabiis reer Somaliland kuwaasoo mudo ku xirnaa Laas-caanood.

Wararku waxay tilmaamayaan in maxaabiista maanta la sii deynayo ay tira ahaan gaarayaan 70 ruux kuwaasoo si rasmi ah loogu wareejin doono Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo dadaal badan u galay sidii maxaabiista loo sii deyn lahaa labada dhinacba.

Xogaha la helayo waxay intaasi ku darayaan in Maxaabiistaan Madaxweyne ay u soo raaci doonaan Muqdisho kadibna Dowladu xiriir la sameyn doonto Maamulka Somaliland si iyagana ay maxaabiista ay hayaan u dhaasan lahaayeen maxaabiista lagu wareejin doono hadii Rabi idmo.

Dhanka kale Madaxda Maamulka Somaliland waxaa lagu wadaa inay war ka soo saaraan qorshaha Madaxweyne Xasan ee ah in maxaabiista ay is dhaafsadaan Maamulada Waqooyi iyo Somaliland.