
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa galabta shaaciyay liiska musharraxiinta ku tartamaya xilka madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa oo la qorsheynayo in maalmaha soo socda lagu qabto magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.
Guddiga ayaa diiwaangeliyay illaa afar musharrax oo laba kamid ah ay ku loollami doonaan xilka madaxweynaha, halka labada kale ay ku tartami doonaan madaxweyne ku xigeenka Galmudug.
Afarta musharrax ayaa kala ah; Liibaan Axmed Xasan oo u sharraxan xisbiga JSP iyo Cabdulqaadir Cabdullahi Diiriye oo doorashada ku metali doono xisbiga Sincad, waxaase loo badinayaa inuu guuleysto musharrax Liibaan oo ay taageereyso kooxda Villa Soomaaliya.
Sidoo kale, Cabdisataar Maxamed Geelle iyo Cabdiweli Ibraahim Garyare ayaa ku loollami doono xilka madaxweyne ku xigeenka, iyaga oo kala metalaya xisbiga Sincad iyo JSP.
Haseyeeshee waxaa guusha loo saadaalinayaa Garyare oo ka tirsan xisbiga madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo galabta la siiyay kaarka musharraxnimada ee xisbiga.
Doorashadan waxaa ka horreysay doorashada guddoonka Baarlamaanka Galmudug, taas oo ay ku guuleysteen guddoomiyaha iyo labadiisa ku-xigeen, xubno ka tirsan ururka JSP.
Sidoo kale, xilka madaxweynaha Galmudug ayaa loo saadaalinayaa Liibaax Axmed Xasan, oo ay taageerayso Villa Somalia, halka la qorsheynayo in madaxweyne ku-xigeen isna loo doorto Cabdiweli Garyare, oo maanta la guddoonsiiyay kaarka musharraxnimada ee ururka JSP.





















