Maxkamada Gobolka Banaadir oo ka laabatay waarankii soo qabashada Axmed Madoobe

66

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo maanta warsaxaafadeed soo saartay ayaa cafis guud u fidisay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyada oo gebi ahaanba ka la laabatay go’aankeedii hore ee soo qabashada, kaas oo ay maxkamadu soo saartay 27-kii November ee 2024-kii, kadib markii dowladda Soomaaliya ay diiday dib u doorashadiisa.

Xilligaas Axmed Madoobe waxaa lagu soo eedeeyay fal-dambiyeedyo lid ku ah wadajirka iyo midnimada Qaranka, taas oo macno ahaan noqoneysa inuu ku kacay “khiyaano qaran”.

Maxkamadda Gobolka ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay ooday gal-dacwadeedkii ka dhanka ahaa Axmed Madoobe, iyada oo sheegtay in xeer ilaalintu ay dib ula noqotay dacwaddeeda, soona dalbatay in la xiro kiiska.

“Maxkamaddu waxay baabi’isay amarka soo qabasho iyo hor keenis maxkamadeed ee summadiisu tahay MGB/DCL/1531/ 2024, kuna taariikheysan 27/11/2024” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka Maxkamadda.

Waxaa kale oo lagu soo gabagabeeyay “Go’aankan waxaa la gaaray maanta oo ah tr: 29/01/2026”.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada kowda bisha soo socota ee Febraayo la filayo in Muqdisho ay yimaadaan madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland oo qayb ka ah wada-hadallo ay dowladdu la yeelaneyso Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, si xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee hadda ka jira dalka.