Maxkamadda Bulshada Bariga Afrika oo diiday Sagaalkii Xildhibaan ee Soomaaliya ku matali lahaa Baarlamanka Bulshada Bariga Afrika

94

Maxkamadda Bulshada Bariga Afrika ee magaalada Arusha ee dalka Tanzania ayaa dib u soo celisay 9-ka xubnood ee dowladda Soomaaliya ku meteli lahaa Baarlamaanka Urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

Dib u soo celinta Xildhibaanadan ayaa timid kadib markii dacwo la xariirta musuq maasuq dartiis Maxkamadda dacwad u gudbiyeen aqoonyahano iyo siyaasiyiin Soomaali ah oo ka horyimid doorashadii ay kusoo baxeen sagaalka Xildhibaan ee Soomaaliya ku matalayo Baarlamaanka Urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika

Siyaasiyiintan ayaa la tilmaamay in qarkood laga hor istaagay tartankii loo galay doorashadii Baarlamaanka Soomaaliya kusoo doorteen sagaalkan xubnood, kuwaas oo ku dooday iney doorashadaasi aheyd mid baalmarasan shuruucda aas aasiga ah ee Urur goboleedka.

Si kastaba ha ahaatee Maxkamadda Arusha ayaa horay si ku meel gaar ah xayiraad u saartay dhaarinta sagaalka xubnood ee Soomaaliya ilaa inta laga garnaqayo dacwadda rasmiga ah, waxaana maanta ugu dambeyn Maxkamaddu ay ku dhawaaqday iney dib u celisay sagaalka Xildhibaan ee Urur goboleedka Bariga Afrika uga mid noqon lahaa Soomaaliya.

Go’aanka Maxkamadda Arusha ayaa noqon doono mid culeys iyo dhabar jab hor leh oo siyaasadeed u keeni kara dowladda Federaalka Soomaaliya, maadaama uu khuseeyo habraacii muranka dhaliyay ee lagu soo xulay sagaalka xubnood ee ku matali lahaa Soomaaliya Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Ugu dambeyntii go’aankan Maxkamadda Arusha ay dib ugu celisay Xildhibaanada Soomaaliya ku matali lahaa Baarlamanka EAC ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan ay war rasmi ah kasoo saarto dowladda Fedaraalka Soomaaliya.