Shir ay magaalada Nairobi ku yeesheen madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliya, ayaa lagu gaaray in si dhaqso ah shir loogu yeero dhammaan qaybaha siyaasadda Soomaaliya si xal qaran looga gaaro caqabadaha jira.
Shirkan ayaa la sheegay in looga wada hadlay xaaladda guud ee Dalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo amniga, iyadoo si gooni ah diiradda loogu saaray sida warsaxaafadeedka lagu sheegay, sidii Soomaaliya ku gaari lahayd mustaqbal u horseeda xasilooni siyaasadeed, amni sugan iyo horumar dhaqaale.
Dhinacyada ayaa isku raacay in si dhaqso ah shir la isugu yimaado gudaha Soomaaliya si looga arrinsado, go’aanna looga gaaro xaaladda kala guurka siyaasadda Dalka.
Waa kulankii ugu horreeyay oo ay isugu yimaadaan madasha samatabixinta iyo Puntland iyo Jubbaland. Sida ka muuqata qodobada war-saxaafadeedka, Dhinacyadan ayaa mideeyay mowqifkooda siyaasadeed si ay culays u saaraan madaxweyne Xasan Sheikh oo muddo xileedkiisu sii dhamaanayo, si ay ugu cadaadiyaan in heshiis lagu midaysan yahay laga gaaro arrimaha doorashooyinka.
Shirkaan ayaa yimid, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu dhawaan ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay inuu raadiyo dhinacyada ka aragtida duwan dowladda, isamarkaasna ay wararku sheegayeen inuu safar ku tagayo magaalada Kisamayo, si uu ula kulmo madaxweynaha Jubbaland.