
Xubnaha Golaha Samata-bixinta ee horey heshiiska ula gaaray Dowladda Federaalka Soomaaliya oo bayaan wadajir ah soo saaray ayaa caddeeyay mowqifkooda ku aadan ansixinta wax ka beddelka dastuurka oo ay shalay cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Xubnahan oo kala ah nadaxweynihii Hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke iyo wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya, Danjire Daahir Maxamuud Geelle ayaa si weyn usoo dhaweeyay dhammaystirka dastuurka dalka, iyaga oo uu mahadceliyay madaxweynaha iyo baarlamaanka dalka.
Sidoo kale waxa ay bayaankooda ku sheegeen in tallaabadan ay muujineyso biseyl siyaasadeed, iyaga oo ugu baaqay siyaasiyiinta kale ee mucaaradka in ay fiiriyaan danta guud iyo horumarka dalka.
“Waxaan u aragnaa tallaabadan mid muujinaysa bisayl siyaasadeed, dhowrista heshiisyada qaran iyo xoojinta nidaamka dimuqraadiga ah ee ku dhisan wada-tashi iyo isla xisaabtan” ayaa lagu yiri qoraalka.
Hoose ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammaystiran:-





















