
Baarlamanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa maanta si rasmi ah uga soo idlaaday muddo-xileedkii afarta sano ee la doortay.
Muddada xil-heynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale waxaa iyadna ka harsan ku dhowaad hal bil, taas oo ku egyahay 15-ka May 2026.
Dhamaadka muddada baarlamanka ayaa imanaya iyadoo ay weli taagan tahay muran xooggan oo ka dhashay dastuurka cusub ee ay meel-marisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo dhigaya in muddo-xileedka hay’adaha dowladda laga dhigo shan sano, taas oo ay si adag uga soo horjeesteen siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada.
Siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ay xulafo la yihiin dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa maanta si wadajir ah fariin ugu diraya beesha caalamka, iyagoo ku wargelinaya in uu si rasmi ah u dhammaaday muddo-xileedkii baarlamanka, isla markaana ay jirto baahi loo qabo in cadaadis diblomaasiyadeed la saaro Dowladda Federaalka.
Wararka laga helayo dhinacyada mucaaradka ayaa tilmaamaya in ay doonayaan in beesha caalamka ku qanciyaan in dalka u baahan yahay hannaan doorasho oo lagu wada heshiiyay, si looga fogaado qalalaase siyaasadeed oo hor leh.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u muuqata mid aan ku socon jadwalka doorashooyinka ee la filayay, iyadoo weli diiradda saaraysa qabashada doorashooyinka dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle.
Xukuumadda ayaa la sheegay inay dooneyso in haddii ay ku guuleysato qabashada doorashooyin qof iyo cod ah oo ka dhaca maamul-goboleedyadaas, ay tusaale uga dhigto suurta-galnimada hirgelinta doorasho toos ah oo heer federaal ah.
Si kastaba, mucaaradka oo horey ugu ballansanaa shirweyne ay kaga arrinsanayaan xaaladda dalka iyo mustaqbalka doorashooyinka dalka, isla markaana ku goodinayay inay bilaabaan doorashooyin dadban ayaa haatan u muuqda kuwo dardartoodii hoos u dhacday.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in mucaaradka ay weli qorsheynayaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo cusub, oo ay ka mid yihiin abaabulka kacdoonno laga bilaabo magaalada Muqdisho, ka hor inta aysan u wareegin shir ay ku yeelan doonaan magaalada Gaalkacyo toddobaadyada soo socda.



















