Muran cusub oo ka dhex qarxay Trump iyo Denmark

57

Donald Trump ayaa muran cusub la bilaabay Denmark kadib markii uu ergay u magacawday jasiiradda aadka u ballaaran ee Greenland, taa oo uu sheegay in uu goosanayo.

Isagoo ka jawaabaya su’aal BBC-da ka weydiisay doorka cusub ee Jeff Landry, oo ah guddoomiyaha Jamhuuriga ee gobolka Louisiana, Trump wuxuu sheegay in Mareykanka uu u baahan yahay Greenland “si qaranka loo ilaaliyo” “waa inaan helno”.

Landry, ayuu yiri, “wuxuu hogaamin doonaa mas’uuliyadda” loo igmaday isagoo ah ergeyga gaarka ah ee Greenland, oo ah qayb madax-bannaan oo ka tirsan Boqortooyada Danmark.

Talaabadan ayaa ka careysiisay Copenhagen oo sheegtay in ay u yeeri doonto safiirka Mareykanka si ay “sharaxaad uga bixiso”. Ra’iisul wasaaraha Greenland ayaa sheegay in jasiiraddu ay tahay “inay go’aamiso mustaqbalkooda” iyo “in la ixtiraamo madax-bannaanida dhulkeeda”.

Wasiirka arrimaha dibadda Denmark, Lars Lokke Rasmussen, ayaa magacaabista Landry ku tilmaamay mid aad looga xumaado, isagoo uga digay Washington inay ixtiraamto madax-bannaanida Denmark.