
Mustafe Muxamed Cagjar ayaa mar kale loo doortay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomalida isagoo helay muddo xileed cusub oo shan sano ah.
Madaxweynaha ayaa waxaa cod aqlabiyad leh ku doortay Xildhibaannada Dowlad Deegaanka, tani oo fursad kale siineysa Cagjar oo ismaamulka hoggaaminaya, tan iyo isbeddelkii ka dhacay deegaanka sanadkii 2018, xilligaas oo meesha laga saaray maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar.
Mustafe Cagjar ayaa si weyn loo hadal-hayay inuu xilka baneeynayo, balse soo laabashadiisa ayaa loo aanaynayaa dagaallada mar kale ka soo cusboonaaday gudaha dalka Itoobiya.
Sidoo kale waxaa madaxweyne ku xigeenka maamulka cusub noqday Ibraahim Cusmaan, halka Mubashir Dubbad Raage loo doortay Afhayeenka Baarlamaanka Deegaanka.
Mubashir Dubbad ayaamid kamid ah siyaasiyiinta ugu caansan deegaanka Soomaalida, waana xildhibaan ka soo gala magaalada Qabribayax, isagoo soo qabtay Wasaaradaha Maaliyadda iyo Hoggaanka Nabadgalyada.
Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa waxaa muddooyinkii lasoo dhaafay ka jiray isbeddello siyaasadeed iyo amni, kuwaas oo saameeyay maamulka iyo hoggaanka deegaanka.




















