
Ciidamada Israa’iil ayaa sacaadahii lasoo dhaafay duqaymo culus ka fuliyay meelo badan oo ka mid ah magaalada Gaza, taasoo sababtay dhimashada in ka badan 40 ruux iyi dhaawaca ku dhawaad 100 kale.
Duqaynta ayaa xoogeeda waxay ka dhacday Xaafadda Saytuun, waxaana dadka dhibaatadu soo gaartay ay yihiin dadkii dhawaan dib ugu laabtay Xaafadaas, kadib markii ay dhaqan gashay Xabbad joojintii lagu saxiixay Magaalada Sharma Alsheekh ee dalka Masar, taasoo uu hormuud u ahaa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Duqeyntaan khasaaraha badan geysatay ayaa timid kadib markii Raysal Wasaaraha dalka Israa’iil Benjamin Netanyahu uu ku goodiyay inuu dib u billaabayo dagaalkii kala dhaxeeyay Xamaas.

Netanyahu ayaa sidoo kale ku eedeeyay xoogaga hubeysan ee Xamaas iney jabiyeen heshiiskii xabbad joojinta ahaa, wuxuuna doonaya in dib ciidamadiisa u bilaabaan duqeymaha ka dhanka ah magaalada Gaz, halkaas oo dhawaan uun dib ugu laabteen boqolaal reer Falastiin ah.
Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu uu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ka codsaday inuu meesha ka saaro xabad joojinta uu gadaal ka riixayo, hayeeshee wali si dhab ah looma helin jawaabta uu bixiyay Madaxweyne DonaldTrump.
Duqeynta markale ciidamada Israa’iil dib uga bilaabeen Gaza ayaa u muuqata mid si toos ah u burburin doonta heshiiskii Xabad joojinta ahaa oo ay la gashay horaantii bishaan Ururka Xamaas, mana jirto wali wax war ah oo kasoo baxay dhanka Xamaas oo ku aadan duqeymaha ka dhacay Gaza ee khasaaraha badan geystay.





















