Nin horay ugu tartamay Madaxweynaha Jubaland oo loo heysto 29 Milyan Doolar

62

Sida ay maanta shaaciyeen warbaahinta Kenya qaarkood Cabdullahi Cali Cumar oo ah Soomaali hore u soo noqday Musharax Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa lagu soo eedeeyay inuu lunsaday lacag Malaayiin Doolar ah.

C/laahi oo hada la raadinaayo waxaa loo heystaa 29 Milyan Doolar inuu ku qatay wax is daba marin iyo qaabab sharci daro iyo musuq maasuq,wuxuuna ka mid yahay Soomaalida guud ahaan Magaalada Minespota looga heysto inay lacag lunsadeen markii ay musuq maasuqeen lacago qaabab samaftal loogu dhiibay.

NGO- magaciisa lagu sheegay Gateway Community Services ayuu hormuud u ahaa sida la sheegay uu Cabdullahi kaasoo dhawaan ay xirtay Dowlada Mareykanka,waxayna ciidamada loo direy xaruntaasi ka qaateen agab looga shakisan yahay inuu isticmaali jiray Cabdullahi.

Warbaahinta Daily Nation oo Kenya laga leeyahay ayaa maanta soo qaatay warbixinta C/laahi ,waxay warbixinta ku sheegeen in Mareykanku dalbaeen inuu isasoo dhiibo laakiin ilaa minka meel uu ku sugan yahay ma jirto cid ka war heysa.

Si kastaba Muwaadinkaan Soomaaliga ah ee Mareykanka ay raadinayaan waxaa la hadal hayaa in hadii la qabto uu muteysan karo marka la eego nidaamka Mareykanka xabsi sodon sano ilaa 40 sano ah, hadii la xiro dabcan uuna soo dhameysto waayeel ayuu noqon doonaa madaama hada uu yahay 53 jir.