Nin kufsaday laba gabdhood oo walaalo ah oo xukun adag laguy riday

50

Maxkamadda Derejada 1aad ee degmada Garoowe gobolka Nugaal, ayaa xukun xabsi ah ku riddey Sharma’arke Xuseen Yuusuf oo ku eedaysnaa inuu fal kufsi ah kula kacay laba gabdhood oo walaala ah.

Ninkan kufsiga geestay, ayaa waxaa duubtay kaamirooyinka qarsoon ee CCTV xilligii uu gabdhaha aan qaangaarin ee walaalaha ku qaadanayay gaari yar, isaga oo la tagay bannaanka magaalada halkaas oo la sheegay in uu gabdhaha yar yar ku kufsaday.

Maxmamadda Garowe, ayaa Sharmaarke Xuseen Yuusuf ina Ubax Cismaan Jaaji 31 sanno jir ah, ku xukuntay 25 sanno oo xabsi, $5000 kun oo ganaax ah iyo magdhowga dhibanayaasha ay u xukuntay oo dhan 25,500.

Ninkan maxkamadda xukunka ku riday ayaa horey u beeniyay in uu kufsi geestay, hasa ahaatee xeer ilaalinta kiiskiisa gacanta ku heysay ayaa caddeymo kufsiga la xiriira keentay, waxaa sidoo kale ninkan horey loo sheegay in kufsiyo kale soo geestay.