Nin Xaaskiisa wejiga kajeex jeexay Oo Laga soo Qabtay

154

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, ayaa soo xiray eedeysane lagu magacaabo Maxamed Cabdullahi Cali, ka dib markii lagu eedeeyay inuu si arxan darro ah u jirdilay xaaskiisa, Khadro Cabdullahi Maxamuud.

Taliyaha booliiska qeybta gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Mumin, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in eedeysanaha la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh, si sharciga loogu mariyo falka uu ku kacay.

Khadro Cabdullahi, oo dhawaan dalka kasoo gashay dalka Holland, ayaa sheegtay in seygeedu uu si joogto ah u handadi jiray tan iyo markii ay Soomaaliya timid, iyadoo intaas ku dartay in falkii ugu dambeeyay uu kusoo qaaday ay ahayd inuu u adeegsaday mutuleel (dhagax culus) oo sababay dhaawac culus oo wajiga kasoo gaaray sida baraha Bulshada sawiradeedi lagu soo bandhigay.

“Wadanka waxaan joogay hal isbuuc, wuxuu igu hayay cagajugleyn iyo jirdil, Ma garanayo sababta uu sidaan iigu galay,” ayay Khadro tiri, iyadoo dhaawaceedu muuqdo mar ay warbaahinta gudaha la hadashay.

Booliiska ayaa sheegay in baaritaan dheeraad ah lagu sameynayo kiiskan, isla markaana aysan u dulqaadan doonin falalka ka dhanka ah xuquuqda haweenka.