Ninkii dilay taliyihii degmada Jariban oo asne latoogtay

13

 

Waxaa saaka degmada Jariiban ee gobolka Mudug laga fuliyay xukun qisaas ah oo lagu riday Ibraahim Kooshin oo ahaa ninkii lagu helay dilka Allaha u naxariistee Taliyihii Saldhigga Booliiska degmada Jariiban, Gaashaanle Guuleed Cabdulqaadir Kadleeye.

Xukunka ayaa la fuliyay kadib markii uu si deg-deg u soo maray dhammaan marxaladihii garsoorka, isla markaana ay isku afgarteen qoyska marxuumka iyo qoyska eedeysanaha.

Ibraahim Kooshin ayaa ciidamada ammaanku gacanta ku dhigay saacado yar kadib markii uu dhacay dilka taliyaha. Kadib baaritaanno iyo dacwad maxkamadeed, hay’adaha garsoorka Puntland ayaa ku riday xukun dil ah oo qisaas ah, kaas oo saaka si rasmi ah looga fuliyay degmada Jariiban.

Qoyska Marxuum Guuleed Kadleeye ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin caddaaladda la marsiiyay kiiska, iyagoo tilmaamay in fulinta xukunka ay qayb ka tahay xaqiijinta caddaaladda iyo ka hortagga falalka noocan oo kale ah. Waxay sidoo kale ku baaqeen in qof kasta oo geysta dil bareer ah si degdeg ah sharciga loo horgeeyo.

Waxay u mahadceliyeen ciidamada ammaanka Puntland oo si degdeg ah u soo qabtay eedeysanaha, inkastoo uu isku dayay inuu baxsado kadib markii uu geystay falka. Sida ay sheegeen, tallaabadaasi waxay muujisay sida ay ciidamada uga go’an tahay la dagaallanka dambiyada culus.

Fulinta xukunka qisaasta ayaa soo afjartay kiiska dilka Taliyihii Saldhigga Booliska degmada Jariiban, kaas oo toddobaadyadii la soo dhaafay si weyn looga hadal hayay deegaannada Puntland, maadaama uu ku lug lahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada ammaanka.

Allaha ha u naxariistee, Gaashaanle Guuleed Cabdulqaadir Kadleeye wuxuu ka mid ahaa ciidamadii Gorgor ee tababarka ku soo qaatay Turkiga xilligii dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waxa uu ka tirsanaa saraakiishii dhowaan loo kala diray degmooyinka Puntland si loo xoojiyo amniga iyo howlaha booliska.

 

Marxuumka ayaa muddooyinkii u dambeeyay hormuud ka ahaa dadaallada lagu sugayay amniga degmada Jariiban, gaar ahaan la dagaallanka hubka sharci darrada ah, ka hortagga falalka amni-darrada ah iyo xoojinta howlaha Booliiska ee degmada.

Degmada Jariiban ayaa sidoo kale saldhig u ah ciidamo dhowaan laga qoray Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana mararka qaar laga soo sheegaa dhaq-dhaqaaqyo uu maamulka Puntland ku tilmaamay kuwo amniga lid ku ah, oo si joogto ah ay ula tacaalaan ciidamada ammaanka.

Fulinta xukunkan ayaa ku soo beegmaysa xilli Puntland ay adkeyneyso tallaabooyinka lagula dagaallamayo dambiyada culus iyo falalka amni-darrada ah. Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa marar badan ku celceliyay in qof kasta oo ku lug yeesha falal noocan oo kale ah la horgeyn doono caddaaladda, si loo xoojiyo kalsoonida shacabka ee nidaamka garsoorka iyo amniga.