Ninkii Magaca ku helay weerarkii Australia oo Malaayiin Dolar la siiyey

84

Axmed Al-Axmed oo ahaa ninkii qoriga ka qaaday mid ka mid ah raggii weerarray toddobaadkii hore xeeb ku taalla magaalada Sydney ee dalka Australia, ayaa la guddoonsiiyay lacag dhan 2.5 milyan oo dollar taasoo internetka looga aruuriyay.

Nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Zachary Derinovsky, ayaa markii muuqaalka Axmed oo ah Suuriyaan dukaan yar ku lahaa Sydney uu soo baxay, isagoo la dagaallamaya isla markaana qoriga ka qaadaya mid ka mid ah ragga weerarka fuliyay ayaa sameeyay bog gofund ah, kaasoo lagu aruuriyay in ka badan labo milyan iyo shan boqol oo kun oo dollar oo ugu dambeyn, isbitaalka uu ku jiro Axmed loogu geeyay.

Axmed oo Muslim ah ayaa qaatay hadal heynta weerarka , markii uu khatar naftiisa u geliyay si uu uga hortaggo ragga weerarka fuliyay , gudaha Australia iyo caalamka ayaa lagu tilmaamay inuu Axmed yahay geesi, xataa hadalkan waxaa yiri Trump. Waxay ficillada Axmed dhexda u galeen iskuday kasta oo weerarkaa lagu eedeyn lahaa mid uu Muslimka ka dambeeyay!

17 Yuhuud ah ayaa lagu dilay weerarkaan oo ay fuliyeen labo nin oo kala ahaa wiil dhaawac ah oo isbitaalka jiifa iyo aabihiis oo lagu dilay weerarkaas oo sidoo kale lagu dhaawacay 40 kale.