Nuur Xirsi Warsame oo Xukun ah dil Lagu Fuliyay

58

Maamulka Galmudug ayaa maanta si rasmi ah u fuliyay xukun dil toogasho ah oo lagu riday Nuur Xirsi Warsame, kaasi oo horay loogu helay dambiga dil ula kac ah oo uu u geystay Axmed wali Maxamed Salaad bishii Luulyo ee sanadkan 2025, falkan ayaana ka dhacay deegaanka Dhagaxbuur, oo hoos yimaada degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Xukunka dilka ah waxaa horey u ridday Maxkamadda Sare ee Galmudug, kaddib markii la soo gabagabeeyay baaritaanno qoto dheer iyo dhageysiyo rasmi ah oo socday muddo toddobaadyo ah, kuwaas oo lagu ogaaday in Nuur Xirsi si ula kac ah u dilay marxuumka.

Goobta lagu fuliyay xukunka toogashada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan hay’adaha garsoorka, ciidamada ammaanka, culimada deegaanka, iyo qoysaska labada dhinac, si loo muujiyo hufnaanta geeddi-socodka sharciga iyo ku qanacsanaanta bulshada ee xukunkaas.

Afhayeen u hadlay xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Galmudug ayaa warbaahinta u sheegay in fulinta xukunkaasi ay la jaanqaadeyso xeerarka dalka u yaalla, gaar ahaan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, isla markaana ay tahay tallaabo lagu ilaalinayo caddaaladda iyo ka hortagga dambiyada halista ah.

“Tani waa fariin cad oo loo dirayo cid kasta oo damacsan falal dambiyeedyo halis ah sida dilka ula kaca ah, Galmudug waxa ka go’an ilaalinta amniga iyo caddaaladda,” ayuu yiri afhayeenka.