Oday Suuriyaan ah oo si xun loogu dhibaateeyay Hargeysa

65

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka Somaliland ayaa jir-dil xooggan u gaystay qoys Suuriyaan ah oo ku dhaqan magaalada Hargeysa, kana mid ah qaxootiga Carbeed ee ku nool halkaasi.

Muuqaal si weyn ugu baahay baraha bulshada ayaa muujinaya tacadiyo kala duwan oo loo gaysanayo Aabaha qoyska oo da’ ah, kaas oo ay si bareer ah ugu xadgudbeen ciidamada tegay gurigiisa, waxayna u garaceen si xun.

Qaar ka mid ah xubnaha qoyska ayaa sheegay in aysan helin cadaalad, ayna u baahan yihiin badbaado deg-deg ah, sida ay ku sheegeen farriin ay direen.

Dhinaca kale, warsaxaafadeed kasoo baxay Booliska Somaliland ayaa waxaa looga haday dhacdadan, waxaana talisku sheegay in Aabaha qoyska loo soo jaray waaran soo qabasho ah, kadibna uu ka dhaga adeegay amarka ciidanka.

“Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu halkan ku caddaynayaa wararka lagu baahiyey baraha bulshada ee la xidhiidha kiis nin u dhashay dalka Suuriya, kaas oo muuqaallo ku faafiyey baraha bulshada, kana cabaanayay qaabkii loo qabtay. Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu xaqiijinayaa in ninkaasi Maxkamadda Degmada Hargeysa ay u soo jartay waaran qabasho ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo baaanka lagu sheegay in taliska uu ka xun yahay falka dhacay, isla markaana tallaabo laga qaaday ciidankii sameeyay, kadibna la soo xiray.

“Si kastaba ha ahaatee, Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si aada uga xun yahay qaabka ay wax u dhaceen intii hawlgalkaasi socday. Sidaas darteed, waxa si degdeg ah tallaabo looga qaaday Askartii falkaas samaysay , waxaana haatan socda baadhitaan dheeraad ah” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, waxaa lasii raaciyay “Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa mar walba ka go’an ilaalinta sharciga, dhowrista xuquuqda muwaadiniinta iyo dadka ku sugan dalka, si waafaqsan Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo xeerarka dalka u yaalla”.