Qaar ka mid ah Agaasimayaasha Guud oo xilalka loo kala wareejiyay

22

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta isku shaandheyn ku sameeyay agaasimayaasha guud ee qaar ka mid ah wasaaradaha xukuumadda Dan-Qaran, si loo dardar-geliyo howlaha dowladda ee socda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa magacaabistan ku saleeyay baahida loo qabo in dib-u-habeyn lagu sameeyo maamulka iyo hoggaanka wasaaradaha, si loo xoojiyo adeegyada ay bixiyaan wasaaraduhu, loona dedejiyo qorshayaasha horumarineed ee dowladda.

Mudane Xamza oo cuskanaya qodobka 119-aad, farqaddiisa (D) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay agaasimeyaashan, sida lagu sheegay wareegto rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Agaasimayaasha la magacaabay ayaa kala ah:

1: Yuusuf Cali Maxamed oo loo magacaabay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga,

2: Maxamed Saney Dalmar oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Shaqada iyo Bulshada.

3: Cabdifataax Cabdiqaadir Faarax ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha,

4: Guuleed Cabdijaliil Cali loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa.

5: Yuusuf Xasan Isaaq ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada,

6: Maxamed Xasan Shire loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray mas’uuliyiinta la magacaabay inay si degdeg ah ula wareegaan xilalka loo igmaday, isla markaana ay dardar-geliyaan howlaha shaqo ee wasaaradahooda, si loo gaaro hufnaan iyo adeeg bulsho oo tayo leh.

Si kastaba, magacaabistan ayaa imanaysa xilli muddada xil-heynta xukuumadda ay ka harsan tahay wax ka yar bil iyo bar, iyadoo xubnaha mucaaradku ku doodayaan in dowladda ay lumin doonto sharciyaddeeda marka la gaaro 15-ka May, haddii aan la helin heshiis siyaasadeed oo dalka doorasho lagu gaarsiinayo.