
Waxaa la filayaa inuu magaalada Jabuuti ka furmo wadahadal u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug, xilli ay cirka isku shareertay xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa labada dhinac.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) ayaa maanta ku wajahan caasimadda Jabuuti, halkaas oo uu horay u joogay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in kulamadan diiradda lagu saari doono xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed iyo arrimaha maamulka ee muddooyinkii dambe ka taagnaa Galmudug.
Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan tallaabooyin ay ku tilmaameen kuwo lagu carqaladeynayo nidaamka maamulka iyo wadajirka Galmudug. Ilo ku dhow maamulka ayaa sidoo kale sheegay in madaxda Galmudug ay adkeynayaan ilaalinta kala dambeynta iyo madax-bannaanida maamulka.
Dhanka kale, dowladda Federaalka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin nuxurka wadaxaajoodyada la filayo inay ka dhacaan Jabuuti, balse kulamadan ayaa loo arkaa kuwo muhiim u ah dejinta xaaladda siyaasadeed ee Galmudug iyo xiriirka kala dhexeeya Villa Somalia.




















