Rag kufsi geestay oo maxkamada Laascaanood kaneenay.

40

Ciidanka Booliska Qaybta Gobolka Sool iyo Laanta Dambi-baarista (CID) ayaa maanta Maxkamadda Gobolka Sool horgeeyey shan eedaysane oo loo haysto kiiska kufsiga ah ee ay ka gaysteen magaalada Laascaanood 23-kii May 2026.

Eedaysanayaasha maanta maxkamadda la horgeeyey ayaa kala ah:

1. Maxamed Cabdi Ismaaciil Faarax (28 jir)
2. Sharmaake Cabdi Cali Cabdillaahi (22 jir)
3. Sahal Maxamed Cabdi Samatar (22 jir)
4. Axmed Cabdiqaadir Ashkir (24 jir)
5. Cabdicasiis Jaamac Shire (21 jir)

Kiiskan oo dhibbane ka tahay muwaadinad reer Waqooyi Bari ah ayaa maanta si rasmi ah u galay marxaladda garsoorka, kaddib markii eedaysanayaashan loo gudbiyey Maxkamadda Gobolka Sool si loo mariyo habraaca sharciga waafaqsan.

Taliska Booliska ayaa sidoo kale xaqiijiyey in eedaysane lixaad oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Muuse Warsame uu weli baxsad yahay, isla markaana ay ku raadjoogaan laamaha ammaanka.

Laamaha ammaanka ayaa ugu dambayn ballan-qaaday in dhibbanaha kiiskan loo heli doono caddaalad buuxda, isla markaana cid kasta oo lagu helo inay ku lug lahayd faldanbiyeedkan la horkeeni doono sharciga.