Ragii gubay oday waalnaa oo dil lagu wada xukumay

95

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa xukunno kala duwan oo isugu jira dil toogasho ah xabsi ciidan iyo sii deysmo kasoo saartay dilal argagax lahaa oo dhawaan ka dhacay degmada Wanlaweyn iyo Yaaqbariweyne oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Kiiskan ay Maxkamaddu kasoo saartay xukunada kala duwan ayaa ahaa mid si weyn indhaha ugu wada hayeen dadka Soomaaliyeed oo ka wada carooday dilka iyo gubistii dadkan la xukumay u geysteen oday waayeel ahaa oo dhanka dhimirka ka xanuunsanaayay.

Maxkamada Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa ku riday xukun dil tootasho oo raga kala ah Xasan Buule Isaaq, Yuusuf Aadan Xuseen (Suuley), Abshir Cabdow Xasan Made, Maxamed Sayid Cumar Awbiime, Cumarey Iskoy Maame, Abuukar Daa’uud Cismaan, Liibaan Abuukar Cumar (Shiine), Yuusuf Abuukey Maamo iyo Jamaal Maxamed Qaadi.

Raggan ayaa dhamaantood lagu helay dil wadareed ka dhacay Warta Cismaan oo qiyaastii 8 KM u jirta degmada Wanlaweyn, laguna dilay 12 qof iyo falkii lagu gubay Isaaq Daa’uud Maxamed ee ka dhacay nawaaxiga degmada Wanlawayn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaa sidoo kale Maxkamaddu xukuno dil toogasho ah ku riday rag maqanayaal ah oo aanan ku jirin gacanta dowladda, kuwaas oo kala ah Cali Isxaaq Guuleed (Cali Yariis), Fu’aad Axmed Maxamed (Duqow), Deeqow Cismaan Nuunow, Ciise Cabdi Maxamed (Calaan), Xuseen Maxamed Qaasim iyo Cabdi Maxamed Cismaan (Cabdi Tuure), waxaana dhamaantood loo haystaa weerar lagu dilay 5 qof, islamarkaana lagu dhaawacay 5 kale oo dhawaan ka dhacay Ceelka Yaaqbariweyne.

Maxkamadda ayaa sidoo kale xabsi ciidan oo min 5 sano ah ku xukuntay Cabdifitaax Sokorey Gaduudow, Daahir Mukhtaar Shibow, Saaax Xuseen Cali, Cabdixamiid Cabdullahi Siidow, Maxamed Daahir Cismaan iyo Muslimo Cabdi Kuusow, kuwaas oo la sheegay iney kaalin ka qaateen dhacdadii foosha xumeyd ee lagu gubay ninka waayeelka ahaa.

Ugu dambeyntii Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa dib xuriyadooda u siisay eedeysanayaal kala ahaa Axmed Saalax Abuukar, Qaasim Cabdi Xasan Amiin, Abuukar Yuusuf Cali Axmed iyo Cismaan Cabdulle Caliyow, kadib markii lagu waayay eedahii xafiiska xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.