Ra’iisul wasaare Xamse oo gaaray Dhuusamareeb.

11

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug, halkaas oo si diirran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday heerarka federaalka iyo dowlad-goboleedka.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa la xiriira dadaallada lagu xallinayo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan arrimaha doorashooyinka Galmudug, iyadoo la filayo inuu kulan gaar ah la yeesho Madaxweyne Qoor Qoor si loo dejiyo xiisadda u dhexeysa labada dhinac.

Booqashadan ayaa hore loo sii qorsheeyay, waxaana maamulka Galmudug uu sameeyay diyaar-garow ballaaran oo lagu soo dhaweynayo wafdiga Ra’iisul Wasaaraha. Sidoo kale, ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamo dheeraad ah la geeyay goobaha muhiimka ah si loo xaqiijiyo amniga guud.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa sidoo kale ku sugan Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Salaad, oo maalmihii u dambeeyay waday wada-hadallo dhowr wareeg ah oo uu la yeeshay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye. Kulamadaasi ayaa diiradda lagu saaray sidii xal loogu heli lahaa xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay arrimaha doorashooyinka.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in dadaallada socda lagu gaaray is-afgarad hordhac ah, iyadoo la filayo in Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre uu door muuqda ka qaato dhameystirka wada-hadallada iyo sidii loo abuuri lahaa jawi horseeda qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda deegaannada Galmudug.

Dhanka kale, Villa Soomaaliya ayaa la sheegay inay doonayso isbeddel siyaasadeed oo ka dhaca Galmudug, iyadoo doorashada madaxtinimada ee la filayo inay dhacdo bisha July la doonayo in uu ku soo baxo musharrax ka tirsan urur-siyaasadeedka JSP. Wararka siyaasadda ayaa si weyn u hadal haya ganacsade Liibaan Axmed Xasan oo loo arko inuu ka mid yahay magacyada loo saadaalinayo tartankaasi.