Raila Odinga oo geeriyooday

57

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga ayaa ku geeriyooday magaalada Koothattukulam ee gobolka Ernakulam ee Kerala, kaddib markii wadne istaag ku haleelay intii uu ku jiray socodkiisa subaxnimo, sida ay sheegeen booliska iyo maamulka isbitaalka.

Odinga, oo 80 jir ahaa, ayaa wadnuhu istaagay isagoo socod ku marayay gudaha xarunta daawaynta dhaqameed ee Ayurvedic, waxaana si degdeg ah loogu qaaday Isbitaalka iyo Xarunta Cilmi-baarista Indhaha ee Sreedhareeyam Ayurvedic ee Koothattukulam, halkaas oo lagu dhawaaqay inuu geeriyooday saacaddu markay ahayd 9:52 subaxnimo waqtiga dalkaas, sida uu sheegay afhayeen u hadlay isbitaalka.

Odinga waxa uu Koothattukulam yimid lix maalmood ka hor, isagoo ay la socdeen gabadhiisa iyo xubno kale oo qoyskiisa ah. Maalmihii u dambeeyay waxa uu ku jiray jadwal maalinle ah oo uu ku socon jiray subaxdii iyo daawayn uu ku qaadan jiray isbitaalka.

Boolisku waxay sheegeen in meydkiisa lagu hayo Isbitaalka Deva Matha Afhayeenka isbitaalka ayaa sheegay in Odinga iyo qoyskiisu ay horey isbitaalka u booqdeen, kaas oo gabadhiisa hore uga caawiyay dib u helidda aragga.

Odinga wuxuu Ra’iisul Wasaare ka ahaa Kenya intii u dhaxaysay 2008 ilaa 2013. Waxa uu caan ku ahaa khudbadihiisa kulul iyo xiriirka uu la lahaa bulshada hoose, isagoo ahaa shakhsi saameyn weyn ku yeeshay dimuqraadiyadda casriga ah ee Kenya.

Odinga sidoo kale wuxuu muddo dheer ahaa hoggaamiyaha mucaaradka iyo madaxa xisbiga Orange Democratic Movement (ODM). Wuxuu u tartamay madaxweynenimo marar badan, isaga oo weligiis ahaa siyaasi si weyn looga yaqaan Kenya.