Saciid Deni oo Puntland ku laabtay +SAWIRRO

19


Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho iyadoo saaxiibadiisa Mucaaradka Golaha Mustaqbalka ku sagootiyeen garoonka ka hor inta uusan raacin diyaarada.

Siyaasiyiinta garoonka la tagay ee sagootiyay waxaa ka mid ah Xasan Cali Khayre,Shariif Sheekh Axmed iyo C/raxmaan C/shukuur Warsame kuwaasoo dhamaantood ay iskala tirsan yihiin Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

Dib u laabashada Saciid Deni ayaa timid kadib markii uu shalay fashilma shirkii u socday Dowlada Somalia iyo mucaaradkeeda iyadoo Dani iyo Shariif ay matalayeen mucaaradka halka Dowladana ay ka socdeen Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisulwasaare xigeenka Saalax Jaamac
Mucaaradka ayaa aad uga carooday go’aanka Madaxweyne Xasan uu shalay ku dhawaaqay markii uu sheegay in Dowladiisa loogu daray hal sano oo dheraad ah lamana oga sida xaalku noqon karo sanad kadib iyo ka horba mar hadii uuna jirin heshiis ka dhexeeya dhinacyada kursiga isku haya.