Saciid Deni oo Shuruudo Kuxiray Kaqaybgalka Shirka

43

Wadahadallo u dhaxeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, oo uu garwadeen ka ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa ku dhammaaday natiijo la’aan, kaddib markii la isku mari waayay qodobo muhiim ah.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweyne Saciid Deni uu ka qaybgalka shir u dhaxeeya mucaaradka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ku xiray saddex shuruudood oo adag. Shuruudahaas ayaa kala ahaa in Madaxweyne Xasan Sheekh uusan booqan magaalada Laascaanood lana joojiyo dadaallada lagu dhisayo Dawlad Gobaleedka Waqooyi Bari, in aan Imaaraatka Carabta laga saarin Soomaaliya, iyo in Dowladda Federaalka ay joojiso ciidamada ay ka qorayso deegaanada Puntland.

Sida wararku tilmaamayaan, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si cad uga jawaabay shuruudahaas, isaga oo sheegay in isaga iyo Madaxweyne Saciid Deni ay wada hadli karaan oo keliya arrimaha la xiriira doorashooyinka dalka, islamarkaana loo baahan yahay dood macquul ah oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale caddeysay in dhismaha Dawlad Gobaleedka Waqooyi Bari uu marayo marxalad gabagabo ah, isla markaana uu yahay go’aan ay gaartay bulshada deegaanka, sidaas darteedna uusan ahayn arrin laga gorgortami karo. Sidoo kale, waxaa la sheegay in ciidamada Federaalka ee ku sugan Puntland ay yihiin kuwo waafaqsan Dastuurka KMG ah, isla markaana Dowladda Federaalka ay xaq u leedahay inay ciidamo ka qorto dhammaan gobollada dalka.

Fashilka wadahadalladan ayaa muujinaya sii kordhinta khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda sare ee dalka, iyadoo weli ay taagan tahay baahida loo qabo wada hadal qaran oo lagu xalliyo arrimaha doorashooyinka iyo khilaafaadka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada.