Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay tirada dhimashada weerarkii garoonka diyaaradaha ee King Khalid.

23

 

Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ugu yaraan 12 qof ay dhinteen, in ka badan 300 oo kalena ay ku dhaawacmeen weerar ay Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee King Khalid International oo u dhow caasimadeeda Riyadh.

Hay’adda Duulista Rayidka ee Sacuudiga (GACA) ayaa sheegtay in weerarkii Sabtidii lagu dilay ugu yaraan afar muwaadin oo Sacuudiyaan ah iyo laba qof oo u dhashay Bangladesh.

Dadka dhintay waxaa sidoo kale ku jiray dad ka kala yimid Mareykanka, Urdun, Falastiin, Suuriya, Suudaan iyo Masar.

Tirakoobkii ugu dambeeyay, ugu yaraan 309 qof ayaa ku dhaawacmay, sida ay sheegtay hay’addu.

GACA waxay intaas ku dartay in qaar ka mid ah dhaawacyada ay xaalad halis ah ku jiraan, dhammaantoodna ay daryeel caafimaad ku qaadanayaan isbitaalka.

Weerarka – oo sidoo kale sababay burbur hantiyeed – ayaa ahaa weerarkii saddexaad ee Xuutiyiinta ay ku qaadaan garoonka diyaaradaha caalamiga ah toddobaadkan.