Sacuudiga iyo Turkiga oo u midoobay difaca Soomaaliya

94

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa Axaddii gaaray magaalada Riyaad si uu wadahadallo uga yeesho xoojinta midnimada iyo madax-bannaanida qaranka, xilli Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu farriin barbar-socota arrintaas gaarsiiyey Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan, kadib markii Israa’iil ay aqoonsatay gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland.

 

 

Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Sacuudiga (SPA), Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa magaalada Riyadh kula kulmay dhiggiisa Sacuudiga, Amiir Faysal bin Farxaan, si ay uga wada hadlaan taageerada madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

 

Amiir Faysal ayaa dib u xaqiijiyay in Boqortooyada Sacuudigu ay “taageero buuxda” u hayso madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isagoo diiday tallaabo kasta oo khatar gelin karta amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

 

 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in labada dhinac ay sidoo kale gorfeeyeen xaaladaha gobolka, ayna isla eegeen siyaabo lagu ballaarin karo iskaashiga laba-geesoodka ah ee dhinacyada kala duwan, taas oo muujineysa in taageerada Sacuudigu ay qayb ka tahay dadaal ballaaran oo lagu ilaalinayo midnimada Soomaaliya kadib tallaabadii Israa’iil.

 

Saacado ka hor kulankaas, Madaxweyne Erdogan ayaa u sheegay Dhaxal-sugaha Sacuudiga in Turkigu uu “si dhow” ula socdo xaaladaha Soomaaliya iyo Yemen, isagoo carrabka ku adkeeyay in ilaalinta wadajirka dhuleed ee labadaas dal ay tahay “lama huraan” u ah xasilloonida gobolka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Waaxda Warfaafinta ee Madaxtooyada Turkiga.

 

Dhinaca kale, warbaahinta dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen xiriirka laba-geesoodka ah iyo horumarrada gobolka iyo kuwa caalamiga ah, oo ay ku jiraan dadaallada la xiriira amniga iyo xasilloonida.

 

 

Dhaq-dhaqaaqan diblomaasiyadeed ayaa daba socda ku dhawaaqistii Israa’iil ee 26-kii Diseembar, markaas oo ay si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan—waana dalkii ugu horreeyay ee sidaas sameeya tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa go’aankaas ku tilmaamtay mid sharci-darro ah, waxayna wacad ku martay inay kaga hortagi doonto waddooyin diblomaasiyadeed, siyaasadeed iyo kuwa sharci ah.

 

Midowga Afrika ayaa si degdeg ah u diiday tallaabada aqoonsiga, iyadoo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika uu iska fogeeyay “tallaabo kasta ama hindise kasta” oo lagu aqoonsanayo Somaliland, isagoo ku celiyay inay qayb ka tahay Soomaaliya.

 

 

Sidoo kale, UK iyo Shiinaha ayaa si cad u taageeray madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo diiday inay aqoonsadaan Somaliland, taas oo xoojisay mawqifka caalamiga ah ee ka dhanka ah isbaddelada dhinaca maqaamka ee aan la isku raacsanayn.

 

Turkiga, oo noqday mid ka mid ah saaxiibada ugu saameynta badan Soomaaliya dhanka gargaarka, maalgashiga iyo tababarka ciidamada, ayaa mawqifkiisa midnimada wuxuu miisaan culus u yeelayaa dadaallada Muqdisho ay ku raadineyso taageerada gobolka.