
Agaasimihii hore ee Sirdoonka Dalka Boqortooyada Sucuudiga Amiir Turki Al Faysal oo wareysi siiyay Warbaahinta CNN ee laga leeyahay Mareykanka ayaa sheegay inaan si sahlan looga adkaan karin Iiran islamarkaana dagaalka hada socda uu qaadan karo sanado badan.
Amiir Turki Al Faysal wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday aragtiyada kala duwan ee dagaalka hada socda ay ka kala aamisan yihiin Iiraaniyiinta,Yuhuuda iyo Mareykanka kuwaasoo dhamaantood cadeyn u ah in midkoodna aaminsaneyn in dagaalka socda cidna sahal looga guuleysan karin.
Sidoo kale Amiir Turki wuxuu muujiyay in aragtiyada dalalkaani dhamaantood ay ku muujiyeen in dagaalka socda uu dabada la geli doono aakhiru-zamaanka Dunida.
Yuhuuddu waxay aamminsan yihiin inay dhis karaan ama yagleeli karaan Isra’iil sida ay hada tahay ka awood weyn oona ka talisa ilaa wabiga Niil iyo Furaat ayna ku xigto soo bixitaanka Masiixu Dajaal.
Iiraan ayaa iyaduna aaminsan soo noqoshada Imaamka qarsoomay ilaa 6 ama 7 qarni ka hor kaas oo ay rumeysan yihiin in uu arlada nabad ka dhigi doono.
Mareykanka oo isna awood ku leh nidaamka Masiixiyiinta-sahayuuniga ah ayaa aaminsan in dagaallada socda ay ka doonayaan in lagu gaaro soo noqoshada Nabi Ciise (CS) oo dib dunida ugu soo laaban doona.
Dhamaantood waxay ka siman yihiin dagaalku inuu daba dheeraanayo islamarkaana dunidu gabaabsi tahay oo aakhiru zamaankii loo dhaw yahay walow kuwa gaaladu wax badan ka garaneyn soo bixida masiixu dajaal oo ay moodaan wax iska caadi ah oo ay la qabsan karaan madaama soo laabashada iyo soo bixista Nabi Ciise CS iyo Masiixu Dajaal ay Islaamka uun ka maqleen .




















