Safaarda Israil ee Colombia oo albaabda loolaabay

121

Dowladda Colombia , ayaa dalkeeda ka cayrisay dhammaan diblomaasiyiinta Israa’iil u dhashay ee dalkaasi ku sugnaa, waxa ayna dowladda amartay in sidoo kale gabi ahaan albaabada la isugu dhufto safaaradii ay Israa’iil ku laheyd dalkaasi.

Tallaabadan dowladda Colombia k xirtay safaarada Israa’iil una ceyrisay diblumaasiyiinta, ayaa timid kaddib markii ciidamada Israa’iil xireen labo muwaadin oo dalkaasi u dhashay , kuwaa oo kamiid ahaa boqolaal qof oo saarnaa dooman doonayay in ay jabiyaan go’doominta Israa’iil saartay Qasa.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Colombia, ayaana si kulul u cambaareysay tallaabada ciidamada Israa’iil ku weerareen dadka saarnaa doomanka ay ku jireen muwaadiniinta u dhashay dalkaasi, waxa ayna sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaameen xasuuqa Israa’iil ka wada Qasa.

Inta badan dalalka caalamka , ayaa ka aamusan indhahaha ka fiirsanaya xasuuqa ay Israa’iil ka wado magaalada Qasa, halkaas ay ku dishay dad ka badan 50-kun oo qof, halka dadka ka badbaaday rasaasta iyo gantaalada Israa’iil u dhimanayaan gaajo iyo harraad.