Safarkii Xasan Sheekh ee Kismaayo oo dib u dhacay

114

Wararka ayaa sheegaya in uu dib u dhac ku yimid safarkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud jimcaha ku tagi lahaa magaalada Kismaayo, halkaas oo qorshuhu ahaa in uu wadahadal kula yeesho Madaxweynaha Jubaland Axmed Maboobe

Wafdi hordhac u ah madaxweynaha oo qorshuhu ahaa in ay shalay gaaraan Kismaayo ayaa weli ka bixin magaalada Muqdisho, taas oo muujinaysa in aysan suurtagal ahayd in madaxweyne Xasan jamcaha gaaro Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in Jubaland dalbaday in Dowladda Federaalka aqoonsato doorashadii Axmed Madoobe, ka hor inta uusan madaxweyne Xasan tagin Kismaayo, taas oo la aaminsan yahay in ay caqabad ku noqotay safarka madaxweynaha.

Dhanka kale waxaa saacadihii la soo dhaafay Nairobi ku kulmay madaxweynayaasha Puntland & Jubaland iyo xubno ka mid ah Madatasha Samatabixinta, waxayna ka wadahadleen xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo wadahadalka Jubaland iyo Dowladda Federaalka.

Xubnaha Madatasha Samatabixinta ee la kulmay Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa ah Ra’iisul Wasaare hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la saadaalin karin safarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ku tagayo magaalada Kismaayo iyo natiijada ka soo bixi karta wadahadalka u furmi doona maamulka Jubaland iyo dowladda Federaalka.