SAWIRRO: Ilaalada Axmed Madoobe oo Muqdisho soogaaray

53

Diyaarad sida Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Ilaalada gaarka ah ee Axmed Madoobe ayaa Saaka sop caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha Adan Abdule International Airport ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamadaan oo wata hubka nuucyadiisa kala duwan sida PKM, Baasiukayaal iyo kuwa fudud ee Ak 47 ayaa gudaha u soo galay Magaalada Muqdisho waxayna hotu dhac u yihiin imaanshaha Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Maamulka Jubaland ayaa dhawaan aqbalay gogosha qaran ee uu dhigay Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre isaga iyo Madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Deni.

Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa inuu beri Sabti ah soo gaaro Magaalada Muqdihso madaama uu shirku furmayo Axada oo ah 1-da Febraayo insha Allah.

Dhanka kale ilaalada Saciid Deni ayaa iyagana maanta lagu wadaa inay soo gaaraan Magaaalada Muqdisho.