Sharjah oo lafilayo inay ka godo Imaaraadka.

15

 

Sharjah oo ka mid ah toddobada imaaraadood ee ay ka kooban tahay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa laga soo tabinayaa inay qorsheynayso inay ka go’do inteeda kale ee Imaaraadka ka koobnaa.

Qorshahan, oo sida la sheegayo ay quwado dibadeed hoos ka riixayaan, ayaa la sheegay inuu ujeedkiisu yahay in Imaaraadka laga fogeeyo gacan-ku-haynta Marinka Hormuz, isla markaana la yareeyo saameynta taban ee lagu eedeeyo inay ku leedahay dunida Muslimka.

Saraakiil ka tirsan Sharjah ayaa sheegay in qorshahan, oo muddo dheer si hoose looga hadal hayay, uu hadda gaaray marxalad lagu dhawaaqi karo madax-bannaanida imaaraadda.

Cabashada ugu weyn ee ay qabaan dadka deggan Sharjah ayaa ah in dowladda federaalka aysan ula dhaqmin si la mid ah sida Dubai iyo Abu Dhabi, islamarkaana aysan helin tixgelin iyo horumar u dhigma kan labadaas imaaraadood.