Sheekh Aadan Madoobe oo Loo Doortay Guddoomiyaha Golaha Sharci-dejinta Bariga Afrika

57

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta si rasmi ah loogu doortay Guddoomiyaha Golaha Sharci-dejinta ee Baarlamaanka Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika ee sanadaha 2025–2026.

Doorashadan ayaa ka dhacday inta lagu guda jiray shirweynaha 20-aad ee Guddoomiyaasha Baarlamaanada Bulshada Bariga Afrika oo lagu qabtay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Shirka oo uu ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa, Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyay madaxda baarlamaanada EAC dadaalka ay ku bixiyeen isku duwidda shirkan muhiimka ah.

Wuxuu muujiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ka qaybgalka iyo xoojinta iskaashiga gobolka, maadaama ay ka mid tahay dalalka sida weyn ugu hamminaya nabad, isku xirnaansho iyo horumar wadajir ah oo heer gobol ah.

Guddoomiyaha ayaa shirka kaga warbixiyey in Soomaaliya, muddo dheer kaddib, ay si guul leh u dooratay 9-kii xildhibaan ee ku matali doona Golaha Sharci-dejinta Bulshada Bariga Afrika.

Arrintan ayuu ku tilmaamay tillaabo caddeyn u ah in Soomaaliya ay si buuxda ugu soo laabatay doorkii ay ku lahayd iskaashiga iyo diblomaasiyadda baarlamaaniga ah ee gobolka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dalka Soomaaliya uu sanadkan dhammaadkiisa u diyaar garoobayo qabashada doorashooyin toos ah oo heer dowladaha hoose ah markii ugu horreysay muddo 56 sano ah kuwaas oo muhiim u ah hirgelinta geeddi-socodka horumarka siyaasadeed ee dalka.

Inta shirka uu socday ayaa la isla gartay in Soomaaliya ay martigelin doonto kulanka xiga ee Guddoomiyaasha Baarlamaanada Bulshada Bariga Afrika, kaas oo lagu wado inuu qabsoomo bisha May ee 2026.