Shirkii Xalane uga socday dowladda iyo mucaaradka oo lagu kala tagay.

16

Shirkii siyaasadeed ee ka socday Xerada Xalane, kaas oo u dhexeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyeyaasha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, ayaa ku soo dhammaaday natiijo la’aan kadib saddex maalmood oo wadahadallo xasaasi ah ay dhinacyadu yeesheen.

Kulanka ugu dambeeyay, oo mucaaradka ay ku metelayeen Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu tilmaamay kii ugu gaabnaa kulamadii dhacay, iyadoo wararku sheegayaan in dhinacyadu ku kala tageen is-afgaranwaa buuxa, islamarkaana aan la isla meel dhigin heshiis iyo xitaa jadwal cusub oo wada-hadal.

Sida xogaha la helayo muujinayaan, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeystay in dalka loo jiheeyo doorasho qof iyo cod ah, halka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ay si cad uga biyo diideen qorshahaas, iyagoo dalbanaya hannaan doorasho oo lagu wada heshiiyo kana turjumaya xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka.

Fashilka shirkan kadib, xubnaha mucaaradka ayaa lagu wadaa inay bilaabaan kulamo wadatashi iyo abaabul siyaasadeed oo xooggan, iyadoo la filayo inay saacadaha ama maalmaha soo socda si rasmi ah u faahfaahiyaan sababaha keenay burburka wada-hadallada.

Dhanka kale, wakiillada beesha caalamka oo si dhow ula socday kulamadan ayaa la filayay inay goob-joog ka noqdaan heshiis doorasho oo la isku raacsan yahay, balse hadda waxaa la sugayaa war-celin rasmi ah oo ay ka soo saaraan xaaladda ka dhalatay shirarka Muqdisho.

Xaaladdan ayaa kusoo beegmaysa xilli maanta uu ku egyahay muddo xileedkii dastuuriga ahaa ee Madaxweynaha Soomaaliya, arrintaas oo sii xoojisay walaaca laga qabo in dalka uu galo marxalad siyaasadeed oo cakiran.

Ilaa hadda, labada dhinac midkoodna si rasmi ah ugama hadlin natiijada shirka, inkasta oo la filayo warsaxaafadeedyo kala duwan inay soo baxaan saacadaha soo socda, haddii aysan jirin dadaallo cusub oo lagu furayo wadahadallada.

Dhanka kale, mucaaradka ayaa maanta ku dhawaaqay inay hakiyeen bannaanbax ay hore ugu baaqeen inuu berri ka dhaco Muqdisho, iyagoo sheegay inay fursad siinayeen wada-hadallada. Hase yeeshee, hadda lama oga tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan kadib fashilka kulamada.

Soomaaliya ayaa markale wajahaysa jahwareer siyaasadeed oo cusub, iyadoo aan weli la saadaalin karin halka ay xaaladdu ku dambeyn doonto, xilli indhaha shacabka iyo beesha caalamkuba ay ku wajahan yihiin Muqdisho.