
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in laga bilaabo 27-ka Nofeembar 2025 ay si rasmi ah u dhaqan geliso nidaamka cusub ee Electronic Travel Authorisation (ETA), kaas oo si buuxda u xakameyn doona socdaalka rakaabka ka imanaya ama u socda Soomaaliya.
Nidaamkan cusub ayaa si toos ah ugu xirnaan doona nidaamka duulimaadyada shirkadaha diyaaradaha (Departure Control System – DCS) iyo nidaamka xog isdhaafsiga rakaabka (API/PNR), taasoo ka dhigaysa in aysan jirin qof la oggolaanayo in uu ka dhoofayo ama u safro Soomaaliya haddii uusan helin oggolaansho rasmi ah oo ETA ah.
Sida laga soo xigtay khubarada amniga iyo socdaalka, nidaamkan ayaa ka xoog badan fiisaha elektaroonigga ah (E-visa), waxaana uu saameyn toos ah ku yeelan doonaa shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah sida FlyDubai iyo Ethiopian Airlines, kuwaas oo aan bixin karin “boarding pass” ilaa uu rakaabku ka helo oggolaanshaha ETA ee dowladda Soomaaliya.
Dowladdu waxay awood u yeelan doontaa in ay hesho xogta rakaabka sida:
Magaca buuxa, taariikhda dhalashada iyo faahfaahinta baasaboorka
Taariikhda safarka iyo taariikhaha fiisayaasha hore
Faahfaahinta tigidhka iyo meesha uu rakaabku ku socdo
Tallaabadan ayaa qeyb weyn ka noqon doonta ilaalinta amniga iyo xakameynta socdaalka, iyadoo Soomaaliya ka dhigayso nidaamkeeda socdaalka mid aad u habaysan oo gacanta ku haysa.
Khubaradu waxay tilmaamayaan in nidaamkan uu yahay talaabo muujinaysa xoojinta amniga iyo madax-bannaanida hawadeeda, sidoo kalena saameyn ku yeelan doona cidkasta oo qorsheyneysa in ay ku safarto dalka gudihiisa iyo dibadisa iyada oo aan oggolaansho rasmi ah laga haysan dowladda.




















