Taliyaaniga oo Maraakiib dagaal u dirayo Hurmuz.

13

 

Italy ayaa si rasmi ah u shaacisay qorshe ay ku diyaarinayso laba markab oo dagaal kuwaas oo loo diri doono agagaarka Strait of Hormuz, si ay uga qeyb qaataan sugidda amniga marin-biyoodkaasi istiraatiijiga ah haddii xaaladda colaadeed ee gobolka ay degto.

Qorshahan ayaa waxaa si wadajir ah baarlamaanka Talyaaniga ugu faahfaahiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Antonio Tajani iyo Wasiirka Difaaca Guido Crosetto, kuwaas oo caddeeyay in ujeeddada howlgalka aanu ahayn in Talyaanigu ku lug yeesho dagaal ama hawlgallo militari oo cusub, balse uu yahay tallaabo lagu ilaalinayo xorriyadda isu socodka maraakiibta ganacsiga.

Wasiirka Difaaca Guido Crosetto ayaa sheegay in labada markab marka hore lagu diyaarin doono badda Mediterranean Sea, halkaas oo laga sameyn doono diyaar-garowga ugu horreeya, kadibna haddii xaaladdu saamaxdo loo gudbin doono dhinaca Red Sea, si tartiib tartiib ahna loogu dhoweeyo marinka Hormuz.

Crosetto ayaa xusay in howlgalkaasi aanu bilaaban doonin ilaa marka hore la helo xabbad-joojin dhab ah oo laga hirgeliyo gobolka, lana dejiyo sharciyo iyo hannaan cad oo hagaya dhaq-dhaqaaqa maraakiibtaasi, iyadoo sidoo kale loo baahan yahay oggolaansho rasmi ah oo ka yimaada baarlamaanka Talyaaniga.

Wuxuu tilmaamay in xaaladda amni ee gobolka ay weli tahay mid aad u adag, isla markaana ay jiraan walaacyo la xiriira khataraha amni ee ka dhalan kara xiisadaha ka taagan gacanka, taas oo keentay in Talyaanigu taxaddar dheeraad ah muujiyo.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Antonio Tajani ayaa sheegay in dowladda Talyaanigu aysan doonayn wax uu ku tilmaamay “ballaarin militari oo cusub” oo ka dhacda gobolka, balse ay diiradda saarayso sugidda marin-biyoodka muhiimka ah ee ay maraan maraakiibta ganacsiga caalamiga ah.

Tajani wuxuu xusay in marinka Strait of Hormuz uu yahay halbowlaha ugu muhiimsan ee isu socodka shidaalka iyo gaaska caalamka, sidaas darteed carqalad kasta oo ka dhacda halkaasi ay si toos ah u saameyn karto suuqyada tamarta iyo dhaqaalaha dunida.