Tartan Hoggaamineed oo Ka Dhex Curtay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

33

Hoggaamiyeyaasha siyaasadda dalka, gaar ahaan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Jubbaland, Puntland iyo Madasha Samatabixinta Muqdisho, ayaa galinka dambe ee maanta shir muhiim ah uga furmaya magaalada Kismaayo. Qaar kamid ah xubnaha ka qaybgalaya shirka ayaa la filayaa inay soo gaaraan magaalada galinka hore ee maanta.

Xalay ayaa magaalada Kismaayo waxaa is-aragyo kooban ku yeeshay guddiga farsamada ee diyaarinayay ajendaha shirka, kuwaas oo ka kooban dhammaan dhinacyada iyo hoggaanka sare ee siyaasadeed. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in wareegga koowaad ee shirka diiradda lagu saari doono qaab-dhismeedka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo sida loo hogaamin doono, iyadoo lagu wado in si rasmi ah loo shaaciyo.

Ajendaha muhiimka ah ee laga doodi doono waxaa kamid ah hoggaanka golaha, ku-xigeennada, iyo sida labada dhinac ee ku midoobay golahan ay u kala qaadanayaan xilalka sida guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa. Arrimahan ayaa la sheegay inay jiraan is-riix-riix iyo aragtiyo kala duwan oo u dhexeeya dhinacyada.

Wajiga labaad ee shirka, oo la qorsheeyay inuu bilaabmo fiidnimada, ayaa diiradda lagu saari doonaa qodobbada waaweyn ee la xiriira dawladnimada dalka, oo ay kamid yihiin arrimaha doorashooyinka, amniga iyo nidaamka federaalka. Qorshuhu waa in shirka uu soo gabagaboobo saacadaha hore ee maalinta Sabtida.

Dhinacyada ka qaybgalaya shirka ayaa leh aragtiyo kala duwan oo ku saabsan qodobada mudnaanta leh; qaar ayaa xoogga saaraya arrimaha doorashooyinka, kuwo kale amniga, halka dhinac saddexaadna ay ku adkeysanayaan in si dhab ah looga hadlo haykalka guud ee dawladnimada, halkii diiradda la saari lahaa isbeddel shaqsiyeed oo keliya.