Nin hubeysan , ayaa toogasho ka geestay dhismo kuyaalla magaalada New York ee dalka Mareykanka, waxaana socda baaritaanno booliiska Mareykanka ku ogaanayaan sababta keentay toogashada halkaasi ka dhacday.
Shane Tamura, oo ah 27 jir, ayey booliiska New York sheegeen in uu geestay toogasho uu ku dilay afar qof uu ku jiro sargaal katirsan ciidanka booliiska, waxaa sidoo kale toogashada dhaawac culus kasoo gaaray qof kale oo xaaladiisa lala tacaalayo.
Ninkan hubeysan ayaa gudaha u galay dhismo dabaq aad u dheer oo kuyaalla magaalada New Yourk , halkaas ayaana la sheegay in toogashada ka geestay, waxaana ninkan oo kasoo jeeda magaalada Las Vegas markii dambe isna isku toogtay goobta.
Booliiska magaalada New York, ayaa shegay in ilaa hadda la ogeyn waxa ay salka ku heyso toogashadan, waxa ayna tilmaameen in ay socdaan baaritaanno ku aadan falkan iyo waxa sababay, ayna soo bandhigi doonaan warbixinta baaritaankooda.