TRUMP oo 50 milyan dul dhigay xariga Madaxweynaha Venezuela

19

Mareykanka ayaa maanta shaaca ka qaaday in 50 milyan oo dollar la siin doono qof kasta oo keena xog lagu xiri karo madaxweynaha dalka Venezuela, Nicolás Maduro, iyagoo ku eedeynaya inuu ku howlan yahay ka ganacsiga daroogada iyo xiriir uu la leeyahay kooxo hubeysan oo rabshado geysta.

Mareykanka ma aqoonsana doorashadii u dambeysay ee uu ku soo baxay Nicolás Maduro, waxayna ku sheegeen inuu ku shubtay oo si sharci darro ah loo doortay.

Laakin waa maxay waxa qarsoon?

Mareykanka , wax kasta oo kor uu ka sheegay wax ka duwan ayuu ku heysta madaxweynaha Venezuela, Nicolas Maduro, sababtoo ah dhowr arrimood oo isugu jira siyaasadeed, dhaqaale, iyo amni:

Maduro wuxuu xiriir dhow la leeyahay Ruushka, Shiinaha, iyo Iiraan, kuwaas oo ka caawiya dhinaca hubka, dhaqaalaha, iyo taageerada siyaasadeed. Sirdoonka iyo milatariga dalalka bariga ayaa ku sugan Venezuela.
Siyaasadda Maduro waxay ka soo horjeeddaa qorshaha Mareykanka ee ah in gobolka Latin America uu noqdo mid saaxiib dhow la ah Mareykanka.
Venezuela waa mid ka mid ah dalalka leh kaydadka shidaalka ugu badan dunidda. Washington waxay ka walaacsan tahay in shidaalkaa loo isticmaalo sidii hub siyaasadeed oo ka dhan ah Mareykanka iyo xulafadiisa.
Mareykanka wuxuu ku eedeeyay Maduro inuu xiriir la leeyahay kartellooyinka daroogada iyo kooxo hubeysan oo gobolka ka shaqeeya, taa oo Mareykanka u arko khatar amni oo halis gelin karta.
Venezuela , waxay leedahay xeeb dheer oo ku taal badda Caribbean, taas oo ka dhigaysa meel istaraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga iyo siyaasadda gobolka.
Venezuela waxay u jirtaa Mareykanka masaafad aan aad u fogayn marka loo eego qaaradaha kale, maadaama labaduba ay ku yaallaan qaaradda Ameerika, oo ay kala soocaan badda Caribbean.
Masaafada ugu dhow waxay ka bilaabataa xeebaha waqooyi ee Venezuela ilaa gobolka Florida ee Mareykanka, gaar ahaan Key West – taas oo ah qiyaastii 2,000 km (ku dhawaad 1,250 mayl badeed)