Trump oo aqalka cad loogu geeyay Sanduuq ay ku jiraan dhagxaan

74

Ra’iisul wasaaraha Pakistan,Shehbaz Sharif iyo taliyaha guud ee ciidanka Pakistan, Asim Munir ayaa Aqalka Cad , waxay Trump ugu geeyeen sanduuq ay ku jiraan dhagaxyo qaali ah iyo macdanta dhifka ah ee laga helo Pakistan, oo ah waxa uu ugu doonista badan yahay Mareykanka, tallaabadan oo ay uga danleeyihiin inay ku muujiyaan awoodda khayraadka dabiici ah ee Pakistan.

Pakistan, ayaa horey ugu soo bandhigtay Trump heshiis macdan oo ay ku beddelanayso iskaashi dhaqaale iyo diblomaasiyadeed oo ay ka hesho Mareykanka,taa oo Trump uu soo dhaweeyay.

Pakistan waxay isku dayaysaa inay labada quwadood u isticmaasho si kaabayaheeda dhaqaale loo xoojiyo, isla markaana aysan lumin doorka istaraatijiga ah ee gobolka.

Dowladda Pakistan waxay Shiinaha ka heshaa maalgashi iyo difaac, halka Mareykanka ay ka raadiso dhaqaale, sharciyad siyaasadeed iyo xiriir diblomaasiyadeed oo caalami ah.