Trump oo ku dhawaaqay in heshiis laga gaaray Dagaalka Qasa

47
Donald Trump
Donald Trump

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in wejiga koowaad ee heshiiskii nabadeed ee Gaza la gaaray, taasoo la micno ah “Dhammaan la haystayaasha la sii dayn doonaa dhawaan.

Heshiiska ayaa waxa qeyb ka ah xabbad joojin, ka dibna la sii daayo dhammaan la haystayaasha Israa’iil si loogu beddelo maxaabiista Falastiiniyiinta, iyo in ciidammada Israa’iil laga saaro qaybo ka mid ah Gaza.

Isagoo la hadlayay Fox News, Mr Trump wuxuu sheegay in la haystayaasha la sii daaynayo Isniinta. Waxa uu xusay in Bariga Dhexe ay isu yimaadeen, Gazana dib loo dhisi doono, iyadoo dadka la daryeelayo.

“Aad ayaan ugu kalsoonahay in nabad laga islaaxin doono Bariga Dhexe.”

Waxa uu sheegay in dhammaan dhinacyada ay khuseyso loola dhaqmi doono si cadaalad ah, taasina ay tahay tillaabooyinka ugu horreeya ee lagu gaari karo nabad xooggan oo waarta.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa heshiiska ku tilmaamay “maalin ku weyn Israa’iil” wuxuuna isugu yeeri doonaa dowladda maanta si loo ansixiyo.

Xamaas ayaa xaqiijisay heshiiska waxayna ugu baaqaysaa Trump iyo wadamada ay khusayso inay ku qasbaan Israel inay si buuxda u raacdo heshiiska.