Trump oo kufarxay go’aanka Imaaraadku uga baxay OPEC

10

Wargeyska caanka ah ee The Guardian ayaa warbixin uu maanta daabacay ku sheegay in go’aanka ay qaadatay Dowlada Imaaraadka ee ay uga baxayso ururka OPEC uu si weyn u beddeli karo isu-dheellitirka awoodda suuqa shidaalka caalamka, isla markaana uu faa’iido siyaasadeed iyo mid dhaqaale u horseedi karo.

Warbixinta ayaa tilmaantay in OPEC muddo dheer ahaa ururka ugu awoodda badan ee saameeya qiimaha shidaalka dunida, iyadoo dalalka xubnaha ka ah – gaar ahaan Saudi Arabia oo hoggaamineysa ururka – ay si wadajir ah u go’aamin jireen xaddiga shidaalka la soo saarayo, si kor ama hoos loogu dhigo qiimaha saliidda.

Sida lagu sheegay warbixinta, Trump ayaa marar badan si cad u weeraray OPEC intii uu xilalka siyaasadeed hayay, isagoo ku eedeeyay ururka inuu si ula kac ah u yareeyo wax soo saarka shidaalka si qiimaha uu sare ugu kaco, taasoo culays saarta dhaqaalaha Mareykanka iyo shacabka isticmaala shidaalka.

Wuxuu mar hore ku tilmaamay OPEC “koox suuqa afduubatay” oo awood u leh inay xilliga ay rabto sare u qaaddo qiimaha tamarta.

Go’aanka Imaaraadka ee ka bixitaanka OPEC ayaa la rumeysan yahay inuu siinayo xorriyad dheeraad ah oo uu si madax-bannaan ugu kordhin karo wax soo saarka shidaalka, isaga oo aan ku xirnaan doonin heshiisyada xaddidaya wax soo saarka ee ururka. Tani waxay horseedi kartaa in shidaal badan uu suuqa galo, taas oo keeni karta in qiimaha caalamiga ah hoos u dhaco.

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in arrintan ay dhabar-jab weyn ku tahay Sacuudiga, oo muddo dheer ahaa hoggaamiyaha ugu weyn ee OPEC isla markaana adeegsan jiray awoodda ururka si uu saameyn ugu yeesho suuqyada tamarta iyo siyaasadda caalamiga ah.

Haddii dalal kale oo Khaliijka ah ay raacaan tallaabada Imaaraadka, waxaa suurtagal ah in awoodda OPEC ay si weyn u wiiqanto, taasoo beddeli karta qaabka loo maamulo suuqa shidaalka dunida sanadaha soo socda.

Warbixinta The Guardian ayaa sidoo kale tilmaantay in tallaabadan ay kusoo aaday xilli ay jiraan loollan dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo xooggan oo u dhexeeya dalalka waaweyn ee soo saara shidaalka, iyadoo mustaqbalka OPEC hadda la geliyay su’aalo waaweyn.