Trump oo u digay Ayatollah

48

Donald Trump ayaa uga digay Ayatollah Ali Khamenei in Mareykanku “uu bilaabi doono toogashada” haddii dibadbaxayaasha Iiraan ay bartilmaameedsadaan ciidamada dowladda iyadoo dibadbaxyada dalka ay sii socdaan ilaa maalintii 13-aad.

Madaxweynaha Mareykanka iyo hogaamiyaha ugu sarreeya Iiraan ayaa is dhaafsaday hanjabaado iyadoo isku dhacyo u dhexeeya booliska iyo dibadbaxayaasha ay ka sii socdeen dalka oo dhan Jimcihii, iyadoo dhammaan khadka internetka iyo taleefannada la xiray.

Ugu yaraan 62 dibadbaxayaal ah iyo dhowr sarkaal oo booliis ah ayaa lagu dilay iskahorimaadyada tan iyo markii ay billowdeen 28-kii Diseembar , sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka ee Xuquuqda Aadanaha (HRANA), iyadoo ilaa hadda la xiray 2,200 oo qof.

Dadka Iiraaniyiinta ah ayaa dibadbaxyo ka dhigay in ka badan 100 magaalo iyo magaalooyin dalka oo dhan, dibadbaxyadaas oo ahaa kuwii ugu cuslaa muddo sannado ah. Dibadbaxayaasha ayaa kumanaan qof isugu soo baxay waddooyinka, iyagoo ku dhawaaqaya halkudhigyo ka dhan ah nidaamka, halka muuqaallo kale ay muujinayaan gawaari iyo mootooyin la gubayo.

Trump ayaa sheegay in madaxa Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran uu “doonayo inuu meel aado” si uu u baxsado, isagoo intaa ku daray in Iiraan ay “qarka u saaran tahay burbur”.

Wuxuuna ka digay in Mareykanka uu si xun u garaaci doono dalka haddii dibadbaxayaasha la dilo, isagoo sheegay inuu “ogeysiiyay Iiraan”.

“Dad badan ayaa mudaaharaadaya,” ayuu ku yiri wareysi uu Sean Hannity siiyay Fox News. “Cidna weligeed ma arag wax la mid ah waxa hadda dhacaya, laakiin waxaan Iiraan ku wargeliyay haddii ay bilaabaan inay rasaas ku furaan – dadkani waa dad aan hubaysnayn, waxayna jecel yihiin dalkooda.”

“Waxay rabaan inay wax dhacaan. Bal eeg waddankooda. Waxay dib u soo noqdeen 150 sano. Laakiin waxaan uga digay haddii ay wax xun ku sameeyaan dadkan, si aad ah ayaan u garaaci doonnaa. Aad ayaan u sheegay oo si cad ayaan u sheegay, taasi waa waxa aan sameyn doonno.”

Wuxuu markii dambe uga digay hoggaamiyeyaasha Iiraan inay “wanaagsan tahay inaysan bilaabin toogashada sababtoo ah annaguna waan bilaabi doonnaa toogashada”.