Trump oo u hanjabay Madaxwaynaha cusub ee Venezuela

103

Donald Trump oo ah Madaxweynaha Dalka Mareykanka ayaa hanjabaad hawada u mariyay hoggaamiyaha cusub ee Venezuela taasoo ah Haweeneyd ay si kumeel gaar  ah loogu dhiibay Hogaanka dalka Venezuela kadib markii Madaxweynihii Dalkaasi Maduro dhawaan ay cidmada Mareykanku ka qabteen isagoo dalkiisa ku suagan.

Madaxweyne Trump  wuxuu si cad ugu sheegay hoggaamiyaha cusub ee Venezuela, Delcy Rodríguez  hadii aysan sameyn waxa ayrabaan ay la kulmi karto wixii ku dhacay Madaxweynihii dalkaasi Maduro oo Mareykanka dhawaan doonayan inay Maxkamad soo taagaan.

Inkastoo Mareykanku doonayo saliid ama shidaal badan oo ku jira dalka Venezuela hadana waxay ku eedeeyeen Madaxweynaha ay xooga ku afganbiyeen ee Maduro inuu ka ganacsado daroogada iyo hubka.

Si kastaba iyadoo Mareykanku shaaciyeen in isniinta Maxkamad uu ka soo muuqan doono Madaxweynihii Venesuela Nicolás Maduro hadana Milateriga dalkaasi oo shir jaraa’id qabtay ayaa ugu baaqay Mareykanka inay soo celiyaan Madaxweynahooda oo ay u kaxaysteen Magaalada New York.