Trump oo u soo gudbiyay Iiran 15 qodob oo ah heshiiska uu doonayo inuu la gaaro.

32

 

Mareykanka ayaa u soo gudbiyay Iiran 15 qodob oo ah heshiiska uu doonayo inuu la gaaro inkastoo wali Iiran ka jawaabin.
Qodobada Mareykanku soo bandhigay ayaa sidan ah.

•In la burburiyo awoodaha nukliyeer ee ay Iiraan hadda leedahay

•In laga mamnuuco Iiraan inay horumariso ama ku hodmiso wax nukliyeer ah gudaha dhulkeeda.

•In yuraaniyaha la hodmiyay lagu wareejiyo Hay’adda Tamarta Nukliyeerka (IAEA)

•In la xiro lana burburiyo xarumaha nukliyeerka ee Natanz, Isfahan iyo Fordow

•In IAEA loo oggolaado inay si buuxda u hesho dhammaan xogta

•In Iiraan ka joojiso taageerrada ay siiso kooxaha ku sugan bariga dhexe.

•In la joojiyo maalgelinta iyo hubeynta kooxaha ay taageerto Iiraan ee gobolka

•In marinka Hormuz uu ahaado mid furan oo aan la xirin

•In dib loo dhigo go’aanka ku saabsan gantaallada ballistic-ka (tan oo la macna ah wada-hadalada laguma soo darayo qodob la xiriira awoodda gantaallada Iiraan).

•In gantaalladaas loo isticmaalo oo keliya difaac

•In la qaado dhammaan cunaqabateynta horey loo saaray Iiraan

•In la taageero barnaamij nukliyeer oo rayid ah oo ka socda xarunta Bushehr

•In la joojiyo hanjabaadda ah in si toos ah mar kale cunaqabateyn loogu soo rogayo Iiraan