Turkiga oo sheegay inay hor is taageen aqoonsi somaliland lasiin rabay

55

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Turkiga, Ahmet Davutoğlu, ayaa shaaca ka qaaday arrin xasaasi ah oo ku saabsan isku day diblomaasiyadeed oo Ingiriisku sameeyay sanadkii 2012, kaasoo lagu doonayay in Somaliland loo aqoonsado dal ka madax-bannaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Davutoğlu wuxuu sheegay in xilligii uu socday Shirkii Caalamiga ahaa ee London ee arrimaha Soomaaliya, Ingiriisku si firfircoon uga shaqeynayay olole lagu qancinayo diblomaasiyiin ka kala socday dalalka Yurub iyo qaaradda Afrika, si ay u taageeraan aqoonsiga Somaliland. Sida uu hadalka u dhigay, ololahaasi wuxuu ahaa mid si hoose loo waday balse leh ujeeddo cad oo lagu kala fogeynayo midnimada Soomaaliya.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Turkiga ayaa xusay inuu si shaqsi ah uga hortagay isku daygaas, islamarkaana uu mowqif cad ka qaatay, isagoo muujiyay in Turkigu u arkayay arrintaasi mid khatar ku ah xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Isagoo ka hadlayay kulan gaar ah oo uu la yeeshay xoghayihii arrimaha dibadda Ingiriiska xiligaas, William Hague, Davutoğlu wuxuu yiri:

“Annagu Turkiga ahaan waxaan Soomaaliya u keeneynaa xasillooni iyo dib-u-dhis, idinkuna waxaad isku dayaysaan inaad kala qeybisaaan.”

Hadalkan ayaa muujinaya khilaaf diblomaasiyadeed oo ka dhex jiray Ankara iyo London, gaar ahaan sida ay u kala arkeen mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Davutoğlu wuxuu sidoo kale ku adkeystay in haddii Ingiriisku uu dhab ka yahay taageeridda aqoonsiga dal gooni u go’ay, ay tahay inuu marka hore aqoonsado Jamhuuriyadda Turkiga ee Qubruska Waqooyi, taasoo muddo dheer ay Turkigu u ololeynayeen in caalamku aqoonsado. Wuxuu sheegay in arrinta Somaliland aan laga wada hadli karin iyadoo ay jiraan labo miisaan oo kala duwan (double standards) oo caalamku adeegsado.

Dhanka kale, Davutoğlu wuxuu tilmaamay doorkii Turkiga ee diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, isaga oo xusay in Ankara ay markii dambe martigelisay wada-hadallo dhex maray hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Somaliland, kuwaas oo ka dhacay magaalada Ankara. Ujeeddada wada-hadalladaas ayuu ku sheegay inay ahayd xoojinta is-fahamka, wadahadalka, iyo in xal siyaasadeed lagu raadiyo midnimo ku dhisan wada-xaajood, halkii lagu kala go’i lahaa.

Ugu dambeyn, Ra’iisul wasaarihii hore ee Turkiga wuxuu carrabka ku adkeeyay in siyaasadda Turkiga ee Soomaaliya ay mar walba ku dhisnayd ilaalinta midnimada dhuleed, madax-bannaanida, iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in Turkigu u arko Soomaaliya tiir istiraatiiji ah oo xasilloonideedu muhiim u tahay gobolka oo dhan.