UK: Qaxootiga oo muddo 20 sano ah sugi doona degganaansho rasmi ah.

50

 

Dadka magangelyo laga siiyo Boqortooyada Midowday (UK) waa inay sugaan 20 sano ka hor intaysan codsan inay si rasmi ah u degaan dalkaas, iyadoo qorshuhu yahay inay sidaa ku dhawaaqdo Xoghayaha Arrimaha Gudaha Shabana Mahmood Isniinta.

Isbeddelkan ugu weyn ee siyaasadda magangalyada ayaa yimid iyadoo dowladdu ay doonayso inay yareyso dadka kusoo gala dalkaas doonyaha yar yar iyo kuwa sheeganaya magangalyada.

Sida qorshuhu yahay, dadka la siiyo magangelyada waxaa loo oggolaan doonaa oo kaliya inay dalka si ku meel gaar ah joogaan, iyadoo si joogto ah dib loogu eegayo sharcigooda qaxootinnimo iyo kuwa dalalkooda loo arko inay ammaan yihiin in loo sheego inay ku laabtaan.

Hadda qofku wuxuu qaxooti ahaadaa shan sano, ka dib dadku waxay codsan karaan fasax aan xad lahayn oo ay ku joogaan UK.

Hadda xoghayaha arrimaha gudaha waxa ay dooneysaa inay ka jarto muddada billowga ah ee shanta sano ah oo laga dhigo laba sano iyo bar, markaas ka dib waxa si joogto ah dib loogu eegi doonaa aqoonsiga qaxootiga.

Laakiin waxa ay qorshaynaysaa in ay si weyn u kordhiso waqtiga ay ku qaadanayso in la helo deggenaansho rasmi ah taasoo noqoneysa min shan sano ilaa 20.

Shabana ayaa u sheegtay Sunday Times in dib u habaynta loo qorsheeyay in si dhab ah loogu sheego dadka: dalkan ha u iman tahriib sharci-darro ah, ha fuulina doon.

Waxay tiri iyadoo hadalkeeda sii wadata: “Tahriibka sharci darrada ah ayaa dalkeennii kala qoqobaya”, waxayna intaas ku dartay in ay tahay shaqada dowladda “in aan dalkeenna mideyno”.

“Haddii aynaan arrintan xallin, waxay ila tahay in waddankeennu aad u kala qaybsanaan doono,” ayay u sheegtay wargeyska.

Siyaasaddan waxa laga soo minguuriyay Danmark, halkaas oo dawladda uu hoggaamiyo xisbiga Socialdemokraterna ee bidixda dhexe, ay hoggaan ka ahayd mid ka mid ah hababka magangelyo ee ugu adag Yurub.

Danmark, qaxootiga waxaa la siiyaa sharci deggenaansho ku meel gaar ah, sida caadiga ah labo sano, oo dhaqangal ah waa inay dib u codsadaan magangalyo marka uu ka dhaco.

Waxaa hubaal ah in habkan cusub ee Shabana uu wajihi doono diidmo kaga imanaysa qaar ka mid ah xildhibaannada xisbiga shaqaalaha.

Afhayeenka arrimaha gudaha ee xisbiga Libaraalka Dimuqraadiga Max Wilkinson ayaa sheegay in ay “sax tahay in dowladdu ay eegto habab cusub oo lagu hagaajinayo nidaamka magangelyo doonka ee uu abuuray xisbiga Konserfatifka”.

Waxa uu intaa ku daray in Laboor-ku “ayna ahayn in ay laftoodu ku kaftamaan in tillaabooyinkani ay beddel u yihiin sheegashada degdegga ah si aan meesha uga saarno kuwa aan xaqa u lahayn inay halkan joogaan”.

Enver Solomon, oo ah madaxa fulinta ee Golaha Qaxootiga, ayaa ku tilmaamay qorshayaasha dawladda kuwo “aad u adag oo aan loo baahnayn”, wuxuuna yiri “ma joojin doonaan dadka la silciyey, la jirdilay ama arkay xubno qoyskooda ah oo lagu dilay dagaallo naxariis darro ah”.

Xigasho

BBC SOMALI