Ururka Towfiiq oo laga reebay doorashada ku-celiska ah ee Galmudug.

12

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa galabta shaaciyay liiska ururrada siyaasadda ee ka qayb-galaya doorashada ku celiska ah ee maamulka Galmudug, taas oo la qorsheynayo inay dhacdo 30-ka bishaan September ee sannadka 2026-ka.

Liiska ururrada la shaaciyay ayaa gaaraya illaa 12 urur, iyada oo ‘lga reebay Ururka Towfiiq ee uu hoggaamiyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan’, kaas oo saameyn wayn ku leh gobollada dhexe.

Ururka Towfiiq ayaa sabab u ahaa go’aankii kasoo baxay Maxkamadda Sare ee Dalka, ee lagu baab’iyay natiijada doorashadii horay uga dhacday Galmudug, kadib markii ay maxkamaddu shaacisay in aan loo maamulin, loona qaban si waafaqsan dastuurka iyo sharciga doorashooyinka dalka.

Guddiga doorashooyinka oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa xusay in liiska uu soo saaray isaga oo gudanaya waajibaadka shaqo ee loo igmaday, isla-markaana fulinaya jadwalka doorashada ee uu guddigu soo saaray 31 August.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in 12-ka urur ee la shaaciyay ay soo gudbiyeen musharrixiintooda, loona gartay inay ka qayb-galaan doorashada, taas oo ka dhigan in ururka Towfiiq aanu ka qayb-gelayn doorashada ku celiska ah ee Galmudug.

Haddaba, ururrada siyaasadda ee soo gudbiyey liisaska murashaxiinta doorashada isku-sidkan ee Galmudug ayaa waxay kala yihiin:

1-Caddaaladda iyo Midnimadda Tiir

2-Madalsan,

3-Muwaadanniinta Soomaaliyeed

4- Dimuqraadiyadda Soomaaliyeed

5-Caddaaladda iyo Wadajirka

6-Dadka Soomaaliyeed

7-Karaama

8-Saab

9-Dan Shacab

10- Sincad

11-Dhalinyarada Talo Qaran

12-Ramaas.

Guddigu sidoo kale ku wargeliyay ururrada siyaasadda iyo daneeyeyaasha doorashooyinka isku-sidkan ee Galmudug in ay xirantay soo gudbinta liisaska murashaxiinta ka tartamaya doorashada ku-celiska ah ee Gamuug.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo maalmihii u dambeeyay xisbiga Towfiiq uu dhaleeceynayay habka uu wax wado guddiga doorashooyinka qaranka, wuxuuna soo jeediyay dhowr jeer oo hore in la dhowro shuruucda doorashooyinka iyo go’aankii dhawaan kasoo baxay Maxkamadda Sare.