War qoraal ah oo kasoo baxay Villa Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh soo gabagabeeyay wadatashiyo uu u tagay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.
Villa Soomaaliya qoraalka kasoo baxay marnaba laguma xusin in Madaxweyne Xasan Sheekh uu la kulmay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, sidoo kale laguma soo hadal qaadin wadahalladii fashilmay ee labada dhinac dhax maray.
Wasahadallo saacado badan qaatay oo xalay iyo saakay dhax maray Madaxweyne Xasan iyo Axmed Madoobe, ayaa kusoo dhammaaday natiijo ka’aan, kaddib markii qodobada qaar isku fahmi waayeen labada dhinac.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa, ayaana kasoo tagay magaalada Kismaayo , waxa ayna dib ugu soo laabteen magaalada Muqdisho, mana jirin safarka Kismaayo wax natiijo ah oo kasoo baxay laga reebo sheeg sheeg iyo qarash badan oo baxay.