
Wada hadalladii u dhexeeyey dawladdaha Maraykanka iyo Iran ayaa lagu kala kacay markii laysku fahmi waayey qodobadii dooddu ka taagnayd.
Wada xaajoodadan oo ka dhacay magaalada Islaama baad ee xarunta Pakistan waxa lagu galay dood aad u adag, waxana dhacay wada hadallo toos ah oo 10 saacaadood socday oo wax natiijo ah aan laga gaadhin.
Iran waxa ay diidday dalab uga yimi Maraykanka oo ahaa in ay furto gacanka Hormuz joojisona in ay cashuur ka qaado Maraakiibta halkaas ka gudbsay, halka Maraykanku uu diiday in uu Iran u soo celiyo lacag kaga xayiran dalka Qatar iyo in uu ka qaado cuna qabtaynta waddankaas saaran.
Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka JD Vance oo hor kacayey weftiga Maraykanka ku metelayey wada hadallada Pakistan ayaa dib u raacay diyaaradda Air Force Two isaga oo ku wajahan Washington halka weftigii Iran ay iyaguna ku laabanayaan Tehran.
Wada hadalladan oo rejo badan laga qabay ayaa guud ahaanba fashil ku soo dhammaday, lamana sheegin wakhti kale oo wada hadal la yeelanayo.




















